4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2021
Madaxweyne Deni iyo James Swan oo Garowe kaga wada hadlay khilaafka ka taagan doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa
 

Isniin, Janaayo, 25 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Garoowe ku qaabilay oo kula kulmay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxda Hay’addaha WFP, UNHCR iyo UNWOMEN.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan Doorashada iyo shaqooyinka Hay’addaha Qaramada Midoobey ka fuliyaan Puntland sida mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo.

Madaxweyne Deni ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in la helo doorasho lagu wada qanacsanyahay, oo ay ka wada qeyb galaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya, sidoo kalena daneeyayaasha Siyaasadda ee Soomaaliduna ay ka dhex arki karaan maslaxad Soomaaliyeed iyo mid loo simanyahay.

Ergayga Gaarka ah ee QM, James Swan ayaa isna muujiyay sida ay Beesha Caalamka u dooneyso in wada hadal lagu dhammeeyo arrimaha doorashada si loo gaaro heshiis lagu hirgelinayo doorasho wadar ogol ah oo lagu wada qanacsanyahay, isagoo sidoo kale xusay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

kulankaan maanta ka dhacay Garowe ayaa qeyb ka ah kulamo xiriir ah oo danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu la qaadanayo madaxda dowlad goboleedyada, isagoo shalay tagay Dhuusomareeb.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]