4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2021
Dowladda Soomaaliya oo sharuud ku xirtay ganacsatada Qaadka kasoo dhoofsada Kenya

Isniin, Janaayo, 25 2021 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa shaaciyay dowladda Soomaaliya in aysan dalka ka mamnuucin ganacsiga Qaadka, balse ay doonayso dadka qaadka soo dhoofsada in ay raacaan sharuucda ganacsiga.

Wasiir Cabdiraxmaan Bayle ayaa sheegay ganacsatada Qaadka in looga baahan yahay inay shati qaataan islamarkaana aysan dalka si qarsoodi ah kusoo galin, iyagoo ka dhuumanaya canshuurta ku waajibtay.

“Waxaan halkaan ka sheegaynaa inaan jaadku cidna u xirnayn. Waxaa looga baahan yahay dadka Jaadka dalka keena in ay sharciga soo maraan oo qaataan rusqad ganacsi, canshuurtana aysan la dhuuman,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda.

Wasiirku wuxuu beeniyay in dowladdu cid gaar ah u xirtay ganacsiga Qaadka, wuxuuna sheegay dowladdu inay diiday nidaamka sharuucda dalka khilaafsan ee ay ku dhaqmaan ganacsatada Qaadka.

Hadalka wasiirka maaliyadda ayaa kusoo aadaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay joojisay Qaadka Kenya ka imaan jiray oo muddo ku dhow hal sano xaniban. inkastoo uu si qarsoodi ah kusoo galo dalka.

Dowladda ayaa sidoo kale dhalleecayn kala kulantay Qaadka Ethiopia oo si maalinle ah ugasoo daga garoonka Aadan Cadde, taasoo badashay aragtida dadku markii hore ka qabeen qaabkii loo joojiyay Qaadka Kenya oo lala xiriirinayay sababa Covid19.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]