4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2021
Dowladda Itoobiya oo ka digtay warar laga faafiyay caafimaadka Abiy Ahmed

 

Isniin,  Janaayo, 25  2021 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in aysan waxba ka jirin warar saacadihii ugu danbeeyay qabsaday baraha bulshada oo ka la xiriiray caafimaadka Ra'iisal Wasaare Abiy Ahmed oo la sheegay in ay uu aad u liito.

War ka soo baxay xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ayaa shacabka looga digay in ay rumeystaan wararka noocaas ah oo ay ku tilmaameen kuwo aan waxba ka jirin.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay warar iyo sawirro ka hadlaya caafimaadka Abiy Ahmed oo lagu sheegay in uu liito.

“Waxaan ka codsaneynaa shacabka inay ka feejignaadaan wararka been abuurka ah ee laisla dhexmarayo baraha bulshada ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee Abiy Axmed” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Facebook.

Laakiin qoraalka laguma sheegin faah faahin intaa dhaafsiisan oo la xiriira xaalada Ra'iisal Wasaaraha .

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]