4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2021
Dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland oo siyaabo kala duwan uga hadlay dagaal ka dhacay degmada Beled-xaawo

 

Isniin, Janaayo, 25, 2021 (HOL) - Dagaal culus oo dhaxmaray ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa lagu waramayaa in uu xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

Dadka degmada ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay weerar culus degmada ku soo qaadeen ciidamo uu hoggaaminayay Cabdirashiid Janan oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa degmada Mandera ee dalka Kenya.

Ciidamada Jubbaland ayaa la sheegay in gudaha u galeen islamarkaana la wareegeen qeybo ka mid ah degmada sida  uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa intaa ku darray in dagaalka uu ka dhashay kaddib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen ciidamadooda bilooyinkii ugu dambeeyay fadhiyay magaalada dusheeda.

Balse dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Jabhad fallaago ah isla markaana dowladda Kenya ay hubeysay ay u soo tallowday xuduudka Soomaaliya ayna weerar ku qaadday gobolka Gedo.

War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay iska difaaceen weerarkaas oo ay ku tilmaanta dowladdu mid sharci darro ah .

Xaalada degmada ayaa ah mid kacsan iyadoo dagaalka xalay dhacay uu baqdin iyo walwal ku abuuray dadka degmada oo markii horeba la dadaalaa dhacayay daruufo dhinaca nolasha ah;

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]