4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 23, 2021
Puntland oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay qarax lagu weeraray ciidamada amniga Gaalkacyo
 

Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) - Taliyaha ciiddanka bilayska gobolka Mudug ee Puntland gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay in hal askari iyo qof shacab ah ay geeriyoodeen halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo lala eegtay ciidamada amniga Gaalkacyo.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in qof ka baxsaday laamaha amnigu uu qaraxaan la eegtay gaari ciidan oo marayay waqooyiga magaalada Gaalkacyo fiidnimadii hore ee xalay.

Taliyaha wuxuu dhinaca kale sheegay in ay ciidanka amnigu fashiliyeen qaraxyo loo diyaarinayay in laga fuliyo magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay in ay ku raadjoogaan ciddii masuulka ka ahayd qaraxyadaas.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse sanyare oo isna warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in ay ogaayeen xogta la xiriirta in Gaalkacyo qaraxa lala maleegayo ayna ku raadjoogaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dadkii ka dambeeyay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa ka dhacay Gaalkacyo, hase yeeshee masuuliyiinta Puntland ayaa sheegay in ay ka dambeyso kooxda Al-shabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]