4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2021
Wakiilada beesha caalamka oo kulan qadka internetka kula qaatay madaxweynaha Puntland
 

Khamiis, Janaayo, 21 2021 (HOL) - Wakiilada beesha caalamkan ayaa maanta kulan khadka internetka kula qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni, iyagoo ka wada hadlay xal u helida caqabadaha doorashooyinka.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo xiriir ah oo saaxiibbada caalamka la yeelanayeen hoggaamiyayaasha dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah, iyadoo ujeedadu tahay in xal midaysan laga gaaro khilaafka doorashada ka taagan.

Saaxiibbada caalamka ayaa ku boorriyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in uu sii wado xal u helidda caqabadaha doorashooyinka dalka iyadoo loo marayo Wadahadal iyo isu-tanaasul.

Walaaca laga qabo qabsoomida doorashada xilligeeda ayaa hadda ah waxyaabaha keeni kara in loo baahdo in la galo heshiis cusub oo jeexaya jadwal cusub oo doorasho, kaasoo wax ka bedelaya hannaankii horay loogu heshiiyay oo muran badan uu ka taagan yahay.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay abaabusho shir kale oo lagaga hadlidoono sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka doorashada hareeyay, iyadoo lagu wado in meesha laga saaro qodobo dhowr ah oo ufududayn xalka doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]