4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2021
Guddiga Arrimaha Dibada Baarlamaanka Soomaaliya oo qoraal u diray madaxweyne Farmaajo

 

Arbaco, Janaayo, 20, 2021 (HOL) - Guddiga Arrimada Dibadda Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal ku saabsan ciidamadii tababarka loo geeyay dalka Eritrea waxaa ay u gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalka loo diray madaxweynaha ayaa looga dalbaday inu u cadeeyo ciidamada tobabarka loo geeyay dalka Eritrea iyo xiliga ay ku soo laabanayaan dalka, maadama eheladii dhalinyaradaas ay muujinayaan walaac ku aadan xaaladooda caafimaad.

Warka ku saabsan ciidamada Soomaaliyeed ee ka qeybqaatay dagaalkii dhaxmaray ciidanka Difaaca Itoobiya iyo Tigrayga ayaa hadal heyn badan ka dhax abuurtay bulshada Soomaaliyeed, waxaana warka arintan ku saabsan la oran karaa waa qoddobka ugu weyn ee xiligan saameynta ku leh siyaasada  dalka marka laga soo tago doorashada.

Qoraalka ayaa lagu codsaday in guddi xaqiiqo raadin ah loo diro dalka Eritrea  si ay u xaqiijiyaan nolosha askartaas, kuwaasi oo ka kooban xubno dowladda federaalka iyo Golaha shacabka.

Qoraalka ayaa imanaya xili sidoo kale midowga musharixiinta ka dalbadeen madaxweyne Farmaajo in uu faah faahin rasmi ah ka bixiyo warka ku saabsan gaarida dhalinyarrada Soomaaliyeed iyo dareenka ay qabaan waalidiin badan oo arintan ka walwalsan. 

Hoos ka akhriso Qoraalka ka soo baxay Guddiga

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]