4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2021
Madaxweynaha Jubbaland oo kulan ku saabsan arrimaha doorashada la qaatay wakiilada beesha caalamka
 

Arbaco, Janaayo, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa kulan kula qaatay hab maqal iyo muuqaal ah Wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Wakiilada beesha caalamka ee madaxweyne Axmed Madoobe uu kulanka la qaatay waxay kala yihiin, Wakiilada Qaramada Midoobay Midowga Yurub iyo Safiirada dalalka Maraykanka Ingiriiska Sweden Itoobiya iyo Danjirayaal kale.
 
Ujeedada kulankan ayaa ahaa sidii loo dardar galin lahaa dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo doorashooyinka.

Masuuliyiintu waxay isla soo qaadeen sida ay ahmiyada weyn u leedahay in wada hadal lagu dhameeyo is marin waaga ka taagan Arimaha Doorashooyinka taas oo ah xalka ugu haboon ee laga gudbi karo waqtigan kala guurka ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa horey u sheegay in uusan doorashada ka qeyb galidoonin illaa loo madax bannaaneeyo gobolka Gedo, oo ay dowladda federalku gacanta ku hayso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]