4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2021
Hoggaamiyihii mucaaradka dalka Rusha oo la xiray

 

Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL) - Ninkan oo lagu magacaabo Alexei Navalny  islamarkaana ah hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka dalkaasi Rushka kaddib markii sida lagu waramayo diyaaradii siday ay ku soo digtay garoonka ku yaala magaalada Moscow.

44 sano jirkan ayaa 5 bilood ka hor ka badbaaday sunta nooca waxyeeleysa neerfaha oo loo adeegsaday.

Waxaa la arkayay  isaga oo ay booliiska u sii kaxeynayaan goobta lagu baaro baasaboorada ee garoonka sida ay sheegeen dad arkayay.

Waxaa jira eedeymo culus oo ka dhan ah hoggaamiyaha oo loo jeedinayo dowladda Rushka oo rumeysan yahay in ay iyadu ka danbeysay isku  deygii la doonayay in Ninka lagu sumeeyo.

Sidoo kale waxaa jirta carro ka dhalatay xarigiisa oo ay muujinayaan taageerayaasha hoggaamiyahan oo ka soo horjeeda dowladda Rushka.

Ka hor inta aan Ninkan la xirin waxaa jira dad badan  oo isugu soo baxay ilinka hore ee garoonka kuwaa oo doonayay in ay salaamaan hoggaamiyaha, balse waxaa ay ka war heleen in laga weeciyay garoonkii ay ku sugayeen.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]