4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 17, 2021
Cali Mahdi'' haddii aan doorasho la qaban 8 February ka hor dalkan balaayo ayaa ka dhaceysa

 

Axad  Janaayo, 17, 2021 (HOL) - Cali Mahdi Maxamed oo mar dalka madaxweyne ka soo noqday ayaa isaga oo la hadlayay warbaahinta ayaa ka waxaa uu  ka digay sida uu hadalka u dhiggay balaayo laga yaabo in ay dalkan ka dhacdo haddii aan doorasho la qaban ka hor 8 bisha February oo ku eg muddo xileedka dowladda hadda ka jirta.

Wuxuu ka digay in dalkan aan lagu celin burbur iyo dagaal sokeeyo, inta ka horeysa loo baahan yahay in dhinacyada doorashada isku haya la yimaadaan taasul si loo gaaro xal kama danbeys ah.

Madaxweyne Farmaajo ayuu kula taliyay in uu dib uga fikiro cawaaqibka ka dhalan kara sida ay hadda wax u socdaan, loona baahan yahay in aan dalka la gaarsiin heer wax walba faraha ka baxaan.

Mar uu soo hadal qaaday sida uu u arko in la qabto doorasho ay ka maqan yihiin labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland ayuu sheegay in taasi u muuqan karto in gabi ahaanba Qaranka lagu kala taggo.

Hadalka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa imanaya xili wali aan heshiis muuqda laga gaarin doorashada dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]