1/26/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 15, 2021
Wasiirka Arrimaha Dibada'' Mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada ma rabaan in doorasho dalkan ka dhacdo

 

Jimco, Janaayo, 15, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abdirisaaq Abuubakar ayaa ku eedeeyay dowlad gobolleedyada Punltand iyo Jubbaland in aysan raali ka aheyn in dalkan doorasho ka dhacdo.

Waxaa uu meesha ka saaray in dowladdu qorsheyso in ay qabato doorasho hal dhinac isaga oo sheegay horey dhinacyadan oo dhan si wadajir ah doorashada ugu heshiiyeen, walina dowladdu ku taagan tahay dariiqaa isaga ah.

''Doorasho hal dhinac ah ma jirto, waad ogtihiin 17kii bishii September, ayaa lagu heshiiyay doorashada in wadajir loo galo, dowlad gobolleedyada qaarkood iyo mucaaradku ma rabaa in ay doorasho dhacdo, sidee marka loo leeyahay doorasho hal dhinac ay ayeeydowladdu qabaneysaa'' ayuu yiri isaga oo wareysi siinayay Idaacada VOA

Wasiirka ayaa sheegay in doorashada raali ka yihiin sida uu hadalka u dhigay ilaa shan qeybood oo xubno ka ahaa heshiiska kuwaa oo uu ku sheegay, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Somaliland iyo Gobolka Banaadir oo dhamaantood diyaar u ah ayuu yiri in ay doorashada la galo, isaga oo intaa ku darray in Puntland iyo Jubbaland oo kaliya ka soo horjeedaan.

Mar wax laga weydiiyay bal in ay hayaan dhaqaalihii doorashada lagu qaban lahaa iyo in kale ayuu yiri'' Su'aashaa waxaa ay ku wanaagsanaan laheyn in aad weydiiso Wasaarradda Maaliyada, laakiin inta aan ogahay qeyb ka mid ah dhaqaalahaasi waa la hayaa, inta dhimanna waxaa la rajeynayaa in la helo'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalka Wasiirka ayaa imanya xili aan heshiis laga gaarin hannaanka loo qabanayo doorashada oo ay ka soo horjeedaan dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]