4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 14, 2021
Hay'adda Human Rights watch oo soo saartay warbixin sanadeed ku saabsan xaaladda Soomaaliya
 

Khamiis, Janaayo,, 14, 2021 (HOL) - Hay'adda Human Rights watch ayaa soo saartay warbixin sanadeed ku saabsan arrimaha Soomaaliya. Hay'adda ayaa diiwaangelisey 596 kiis oo ah dilka dad rayid ah, oo ay 296 kamid ah ka dambeeyaan Al-shaaab, horraantii bishii Ogosto August ee sanadkii hore ee 2020.

Warbixinta waxay sheegaysaa in falalkaan ay badankood sabab u yihiin Al-Shabab oo bartilmaamed iyo weeraro aan kala sooc lahayn u adeegsaday aaladaha qarxa, isqarxin, iyo duqeymo, iyo dilal qorsheysan.

Al-Shabaab waxay warbixinta ku sheegay in ay sii wadeen fulinta xukunada dilka shaqsiyaadka ay ku eedeysay inay u shaqeeyaan ama u basaasayeen dowlada iyo ciidamada shisheeye.

Human Right watch waxay diiwaangelisay kororka dadka rayidka ah ee ku dhinta dagaallada qabaa'ilka, oo ay ku jiraan dilalka aargoosiga. Bishii Abriil, hay'addu waxay sheegtay in dad rayid ah la dilay, kumanaan kalena la barakiciyey intii lagu guda jirey dagaal beeleedyo ka dhacay Wanlaweyn, iyada oo ay warbaahintu qortay in nin la gubay oo la diley.

UN-ka ayaa sidoo kale diiwaangeliyey in ka badan 100 kiis oo la xiriira rabshadaha galmada. Golaha khubarada ee golaha amaanka ee qaramada midoobey waxay ogaadeen in 6dii bishii Abriil labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada qaranka soomaaliyeed ay kufsadeen haweeney iyo gabar intii ay la wareegeen magaalada Janaale.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]