4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 13, 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo howlaha doorashada u xil saaray Wasiiru-dowlaha xafiiskiisa

 

Talaado, Janaayo, 13 2021 (HOL) - Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa u magacaabay Wasiiru-dowlaha Xafiiskiisa Cabdixakiin Xassan Ashkir howlaha doorashada.

Sida  Qoraalka Ra'iisal Wasaaraha ku cad  Wasiiru-dowlaha ayaa ka shaqeyn doona isku xirka guud ahaan howlaha doorashada, isaga oo xiriirin doona Xukuumadda Federaalka, Dowlad Gobolleedyada iyo beesha Caalamka.

Hoos ka akhriso Qoraalka 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]