4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2021
Madaxweynihii hore cadaaladda adduunka ee ICJ Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo xilkii ka dagay
 

Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda, ICJ ayaa dooratay Madaxweyne cusub oo lagu magacaabao Joan Donoghue oo kasoo keeda waddanka Maraykanka.

Madaxweynaha cusub ee ICJ ayaa badalaya Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Soomaaliya kasoo jeeda ka dib markii waqtigiisii saddexda sano ahaa uu dhammaaday 8-dii Febaraayo 2021.

Garsoore Kirill Gevorgian oo kasoo jeeda dalka Ruushka  ayaa isagana loo doortay Madaxweyne ku xigeenka maxkamada ICJ, mid walbana waxaa loo doortay saddex sano inuu xafiiska joogo..

Isbeddelkan ayaa ku soo aadaya iyadoo maxkamadda cadaalada ay bisha March 2021 sanadkan, u farrisanayso dhegaysiga dacwadda dhinaca badda oo ay dowladda Soomaaliya ka gudbisay Kenya.

Dacwada badda oo muddo sanado ah soo jiitamaysay ayaa marar badan dib u dhacday, gaar ahaan intii madaxweynaha ka ahaa Cabdulqawi.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]