4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 9 , 2021
Midowga Yurub: Ismariwaaga siyaasadeed ee hoggaamiyaasha Soomaaliya wuxuu dhaawacayaa kalsoonida aan u hayno Soomaaliya
 

Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Midowga Yurub ayaa sheegay heshiis la’aanta Soomaaliya ee qabashada doorashada guud ee soo socota in ay tahay mid halis ku ah xasiloonida Soomaaliya.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub Josep Borrell, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la sii wado ka qaybqaadashada wax ku oolka ah si loogu heshiiyo hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran.

Wuxuu sheegay ismariwaaga siyaasadeed ee hadda ka dhex jira hoggaamiyaasha Soomaaliya inuu dhaawacayo kalsoonida ururku Midowga ku qabo horumarka Soomaaliya.

"Wax kasta oo isbarbar socda ama qeyb ka ah howlaha loo xilsaaray hay'adaha doorashooyinka, oo aan ahayn farsamo ahaan, waxaa loo qaadan doonaa dib u dhac xoog leh," ayuu yiri Josep Borrell.

Midowga Yurub wuxuu ku dhiiri galiyay hogaamiyaasha Soomaaliya inay xaliyaan ismari waaga siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashooyin.

Waxay ku boorisay daneeyayaasha siyaasada inay muujiyaan hogaamin kana fogaadaan hadalada hurinaya rabshadaha.

Shirkii ugu dambeeyay ee hogaamiyaasha Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, ayaa kusoo dhamaaday is afgarad la’aan waxaana saaxiibada caalamka ay ku baaqeen in dib loo bilaabo wada hadalada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]