4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2021
Xassan Sheekh '' Farmaajo mugdi ayuu galiyay mustaqbalka dalka

 

Isniin,, Feberaayo, 08, 2021 (HOL) -Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa eedeyn u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sida uu hadalka u dhiggay dalka galiyay mugdi iyo hubanti la'aan siyaasadeed.

''Waa xaqiiqo aan la jecleyn in Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka balse Soomaaliya waxaa ay leedahay shacab iyo haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag, waxaan ku baaqayaa xasillooni iyo aragtiwadaag'' ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Qoraalka Xassan Sheekh ayaa imanaya xili wali ay su'aali ka taaggan tahay jihada uu qaadayo dalka mar haddii uu soo idlaaday muddo xileedkii dhamaanba hay'addaha dowladda oo maanta ku ekaa ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca madaxtooyada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]