4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 7 , 2021
Xiisadda Itoobiya iyo Sudan ee Wabiga Niil oo sii koradhay

 

Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) - Waxaa sii xoogeynaya muranka ka dhax aloosan labada dowladdood ee Sudan iyo Itoobiya kaasoo salka ku haya Biyo Xireenka Wabiga Niil  oo muddo dheerba soo jiitamayay.

Wasiirka Kheyraadka Biyaha ee Sudan Yasser Abbas ayaa sheegay in tallaabo kasta oo Ethiopia ay kaligeed u qaaddo inay ku buuxiso mashruuceeda biya xireenka koronta ee bisha Jully inuu si toos halis ugu yahay ammaanka qaranka ee Sudan.

Isaga oo la hadlayay Wakaallada wararka Reuters u sheegay, in Sudan ay soo jeedinayso in door dhexdhaadin ah ay ku yeeshaan dalalka Mareykanka, ururrada midwoga Yurub iyo modwga Africa, si meesha looga saaro ismari waaga wadaxaajoodka ee la xiriira biya xireenka, ee dheexay dalalka Sudan Masar iyo Ethiopia.

Itoobiya ayaa dhinaceeda sheegtay in mashruuca biyo xireenka uu muhiim u yahay horumarka dhaqaalahooda.

Laakiin haddana marka dhinaca kale la eego labada dowladdood Sudan iyo Masar ayaa wadahadallo ilaa iyo hadda aan wax natiijo ah laga gaarin la wadday dowladda Itoobiya tan iyo wixii ka danbeeyay sanadkii 2011ka oo la bilaabay dhismaha biyo xireenka.  

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]