4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 7 , 2021
Weerar khasaare dhamasho sababay oo ka dhacay magaalada Baydhabo

 

Axad, Feberaayo, 07, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya weerar Bambaano oo xalay lagu qaaday guriga taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Weerarkan oo wali aysan jirin cid sheegatay ayaa sababay geerida labo ruux sida ay sheegeen dad ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan magaalada Baydhabo.

Labada ruux ee geeriyootay ayaa ka mid ah Gabar dhalinyarro ah oo magaceeda lagu sheegay Xanan Barre oo ay haleeshay rasaas ay rideen ilaalada Guriga taliyaha ee Bamka lagu tuuray.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha Amniga, balse waxaa soconaya howlgalo ay wadaan ciidamada dowladda oo lagu baadigaooyo dadkii ka danbeeyay weerarkan xalay lagu qaaday guriga taliyaha ciidanka Asluubta ee khasaaraha dhimasho sababay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]