4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 6 , 2021
Guddoomiye Mursal: Xalka waxaa laga rabaa Baarlamaanka Federaalka! Loomana fadhiyo halkan muddo korarsi

Sabti, Feberaayo,06,2021 (HOL)- Guddoomiyaha Golaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu sheegay xalka in laga rabo Baarlamaanka, ka dib is-miran-waa ka taagan Doorashada guud ee Dalka.

Mursal oo furay fadhiga Baarlamaanka ayaa ujeeddada ku sheegay ‘dalab ka yimid madaxweynaha’ , wuxuu sidoo kale Meesha ka saaray is waydiinta la xiriirta haddii kulanka laga doonayo muddo korarsi.

“ Su’aasho la is waydiinayo waxay tahay haddii doorashadii 2020/2021 oo aan dhahnay doorasho toosan ha la galo lama fulin karo la yiri , tii hadda lagu heshiiyayna suragal noqon waydey in lagu heshiiyo .. XALKA WAXAA LAGA RABAA BAARLAMAANKA Federaalka ah.” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

“Halkan looma fadhiyo muddo korarsi  wax la yiraahdo , waxaan rabnaa Dadka qaarkood oo su’aallaha na waydiinaya ajandaha maanta waxaa weye qodobka 90aad ee Dastuurka KMG ah  madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya  wuxuu u oggaalanayaa golaha Shacabka  mar walba inuu la hadli karo codsigaa ka yimid ayaad halkan ku fadhidaan .” ayuuu ku daray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada Aqalka sare oo laga saaray kulanka;

Guddoomiyaha Golaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka, ayaa u sheegay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Aqalka sare oo fadhiga joogay in kulanka uu gaar u yahay golaha Shacabka oo aysan qeyb ka ahayn golaha Aqalka sare.

“Kulankan ma aha mid wadajir ah , waa kulan uu leeyahay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, dhowr jeer ayaan halkan ka sheegnay golaha Shacabka diyaar uma aha inuu qeyb ka noqdo khilaafka ee wuxuu diyaar u yahay xalka inuu qeyb ka noqdo.” ayuu yiri isagoo inta ku daray “Waxaan codsaneynaa madaxdiinnana ay naga codsatay kulankan inaysan qeyb ka noqoneyn Aqalka sare, saaxibbadeen waxaan ka codsaneynaa si uusan khilaaf u imaan kulankan golaha Shacabka in loo daayo.”

Kulankan uu u fadhiyo Golaha Shacabka ayaa la filayaa goor dhow inuu qeyb ka noqdo madaxweyne Farmaajo oo hadal jeedin doona, iyadoo hadal jeedinta aad isho loogu hayo ka dib markii natiijo la’aan uu ku soo dhammaaday wada-hadallo toddobaad qaatay oo magaalada Dhuusamareeb uga socday madaxda Federaalka, Dawlad-gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Waxaa jirta hubaati la’aan xilliga ay dhacayso doorashada madaxweynaha iyo tan Baarlamaanka oo dib u dhaday , waxaana waqtiga xil heynta madaxweynaha ay ku egtahay 8 Feberaayo oo ku aaddan Isniinta toddobaadkan.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]