4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 6 , 2021
Senator-da Aqalka sare oo lagu wargaliyay inaysan qeyb ka aheyn kulanka Baarlamaanka ee furmay

 

Sabti, Feberaayo, 06, 2021 (HOL) - Shirka Baarlamaanka Soomaaliya oo goor dhaw ka furmay xarunta Villa Hargeysa ayaa lagu waramayaa in laga saaray xidlhibaanadii ka socday Aqalka sare oo lagu wargaliyay in kulanka uu quseeyo oo kaliya Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha  Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa ku wargaliyay xildhibaannadii ka socday Aqalka sare in kulanka uusan iyaga quseyn,  islamarkaana yahay oo kaliya kulan gaar ah oo u dhaxeeya Golaha Shacabka iyo madaxweynaha Soomaaliya.

''Waxaan rabnaa saaxiibadeen sharafta badan Senator-da Aqalka sare in ay u fahmaan in kulankan uu yahay mid  u dhaxeeya oo kaliya Golaha Shacabka iyo madaxweynaha Soomaaliya, sidaa daraadeed sidaa u fahmaan in kulankan maanta uu yahay kulan uu leeyahay Golaha Shacabka'' ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Markii hore qorshuhu wuxuu ahaa in madaxweynaha si wada jir ah la hadlo xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka hasse ahaatee waxaa muuqata in uu jiro isbadal markii danbe yimid, iyadoo kulanka lagu soo koobay oo kaliya Golaha Shacabka.

Guddoonka Aqalka sare ayaa iyagu horay u qaadacay ka qeybgalka shirka iyaga oo sheegay in dhankooda uusan jirin kulan lagu soo wargaliyay, balse qaar ka mid ah Senator -da ayaa sheegay in aysan ku raacsaneyn guddoonka arintaa iyada ah, islamarkaana ka qeybgali doonaan kulanka. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]