4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 6 , 2021
Shacabka gobolka Gedo oo dhiggay dibadbax looga soo horjeedo maaamulka Jubbaland

 

Sabti, Feberaayo, 06, 2021 (HOL) -  Wararka ka imaanaya gobolka  Gedo ayaa sheegaya in qeybo ka mid ah ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo maamulka Jubbaland iyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Dadka isku soo baxay oo u badnaa haween iyo carruur ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in aan marnaba la hoosgeynin maamulka Jubbaland, islamarkaana taageersan yihiin maamulka dowladda Soomaaliya ee ka hadda ka arimiya gobolka.

Dibadbaxay ayaa ku soo beegmay xili uu burburay wada hadalkii madaxda Soomaalida uga socda magaalada Dhuusa-Mareeb kaddib markii leysku khilaafay cidda leh maamulka guud ahaan gobolka Gedo iyo doorashada la filayo in ay ka dhacdo magaalada Garbaareey.

Dibadbaxan ayaa lagu waramayaa in ay soo qabanqaabiyeen mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolkaasi Gedo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]