4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 6 , 2021
Shirkii Baarlamaanka oo goor dhaw furmaya iyo madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedinaya

 

Sabti, Feberaayo, 06, 2021 (HOL) - Goor dhaw ayaa lagu wadaa in uu furmo shir aan caadi aheyn oo yeelanayaa xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo khudbad uu ka jeedin doono madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkan oo hadal heyn badan dhaliyay ayuu horay u sii iclaamiyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya. iyadoo uu shir guddoomin  doona guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Waxaa shirkan qaadacay oo aan taggi doonin guddoomiyaha Aqalka sare iyo ku-xigeenkiisa kuwaad, hasse ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in fadhiga Golaha Baarlamaanka uu ka qeybgali doono ku-xigeenka saddexaad ee Aqalka sare.

Guddoonka Aqalka sare ayaa qoraal ay uu soo saaray ku sheegay in dhankooda aan lagu soo wargalin kulan uu madaxweynuhu ku baaqay oo dhacaya. 

Hadal heyn badan ayaa dul hoganeysa shirkan uu madaxweynaha ku baaqay ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in madaxweynuhu khudbadiisa ku codsan doono muddo korarsi ugu yaraan hal sano ah, laakiin wali si rasmi ah looma xaqiijin qoddobka arintan ku saabsan.

Kulankan ayaa sidoo kale imanaya xili lagu soo kala taggay shirkii hoggaanka Soomaalida uga socday Dhuusa-Mareeb kaddib markii leysku khilaafay cidda maamuleysa doorashada gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Garbahaareey.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]