4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 6 , 2021
Axmed Madoobe oo fashilka shirka Dhuusa-Mareeb dusha uga tuuray madaxweyne Farmaajo

 

Sabti, Feberaayo, 06, 2021 (HOL) -Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Islaam] oo warbaahinta la hadlay ayaa mas'uliyada burburka shirkii Dhuusa-Mareeb dusha uga tuuray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu isku soo koobay sheegasho hal gobol iyo hal degmo oo Soomaaliya ka mid ah, oo degmo ka mid ah Gobolka Gedo oo kuraas ay taallo uu yiraahdo Aniga un baa ka talinaya, ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.

Wuxuu sheegay in aysan marnaba suurtagal aheyn in madaxweyne  sidaa ah sida uu hadalka u dhiggay dalka lagu aamino.

Hadalka Axmed Madoobey ayaa imana xili xalay lagu kala taggay shirkii Dhuusa-Mareeb kaddib markii leysku mari waayay arinta gobolka Gedo oo madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ay ku kala aragdi duwannaadaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe "Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday see buu Soomaaliya u xukumi karayaa haduu 1-degmo sheegtay anaal eh oo ka soo jeeda reerkeyga ayaa daga oo anaa maamulaya  doorashadeeda " Baarlamaanka Soomaaliya ayuu dhinaca kale ugu baaqay in aysan dalkan qalalaase u horseedin isaga oo yiri '' "Waxaan rabaa baarlamaanka Soomaaliya inaa u sheego wadankaan dhibaato ha gelinina" 

Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu dhinaciisa mar walba diyaar u yahay in  xal loo helo khilaafka taaggan, hasse ahaatee dhinaca madaxweynaha Soomaaliya arintaa dhinaciisa suurtagal ka aheyn.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Axmed Madoobey uu gaaro magaalada Kismaayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]