4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 4 , 2021
Hoobiyaaal caawa lagu garaacay magaalada Dhuusomareeb
 

Khamiis, Feberaayo, 04, 2021 (HOL) - Hoobiyaal ayaa caawa lagu garaacay gudaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, halkaas oo ay ku shirsan yihiin Madaxda sare ee dowladda federalka iyo Kuwa dowlad Goboleedyada.

Lama sheegin illaa iyo hadda wax khasaare ah oo ka dhashay hoobiyaasha lagu weeraray caasimadda Galmudug, waxaana sidoo kale laga maqlayaa rasaas culus oo aan la ogayn cidda ridaysa.

Dhinaca kale, war hadda laga baahiyay warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay nolosha kusoo qabteen maleyshiyo ka tirsan Al-shabaab oo qorsheynayay in ay hoobiyaal ku weeraraan magaalada Dhuusomareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.

Wasiirka Amniga dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa xaqiijiyay in howlgalkaas lagu dilay 8 ka mid ah Al-shabaab sidoo kalana gacanta lagu dhigay Gaadiid, Hoobiyihii iyo Hub fudud oo ay adeegsanayeen.

Waa markii labaad oo maalmo isku dhow gudahood Dhuusomareeb lagu weeraro Hoobiyayaal. Waxay arrintan diraysaa farriin ah in Alshabaab ku sugan yihiin meelo aan ka fogayn magaalada looga talinayo masiirka doorashada ayna ku sugan yihiin madaxdii ugu saraysay qaranka iyo dowlad goboleedyada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online