4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 4 , 2021
Puntland oo suuqyada ganacsiga kusii daysay ciidamo booliis ah oo xiraya dadka diidan lacagta Soomaaliga
 

Khamiis, Feberaayo, 04, 2021 (HOL) - Puntland ayaa ciidamo booliis ah kusii dayday suuqyada magaalooyinka si ay ula socdaan habka lacagta shilin Soomaaliga loo isticmaalayo iyo dadka diidan ee kasoo horkeeda awaamiirta lagasoo saaray.

Ciidamada bilayska ayaa lagu amray inay xabsiga u taxaabaan ciddii ka hor timaada isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga, waana go’aan kasoo baxay guddiga loo xilsaaray arrimahan.

Taliyaasha amniga heer gobol ayaa loo xilsaaray in ay kormeer joogto ah ku sameeyaan xarumaha ganacsiga ayna la socdaan dhaqdhaqaaqyada isticmaalka lacagta shilin Soomaaliya oo weli Puntland laga diidayo.

Dadweynaha ayaa maanta si caadiya u isticmaalayay lacagtan, waxaana ay soo dhoweeyaan tallaabada maamul ka qaadayo dadka diidan dhaqan galinta amarada wax looga qabanayo jahwareerka lacagta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online