4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 3 , 2021
Natiijadii Imtixaanka fasalka 8aad ee Degaanka Soomaalida oo la shaaciyay
 

Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Wasiirka Xafiiska Waxbarashada ee Dawladda Degaanka Soomaalida Maxamed Faatax ayaa maanta oo Arbaca ah shaaciyay natiijadii imtixaanka fasalka 8aad ee degaanka oo la qaaday 16 Dec. ee sannadkii 2020.

Wasiirka ayaa sheegay in arday gaaraysa 39. 178 arday ay ugudbeen fasalka 9aad, halka aysan gudbin arday dhan 1414 arday oo aan kasoo gudbin fasalkii 8aad.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in imtixaankan fasalka 8aad ay u fadhiisteen arday ka badan 40 kun oo arday guud ahaan Degaanka Soomaalida.

Wasiirka ayaa xusay in iyadoo xaaladdu sidaa tahay la tixgaliyay duruufihii jiray ee dhanka cudurka Covid 19, oo aysan ardaydu soo xaadirin goobhii waxbarashada xanuunkii jiray awgii.

Ardayda ugudubtay fasalka 9aad ayaa goobaha waxbarashada waxay tagi doonaan toddobaadka soo socda sida uu sheegay Wasiirku oo Xafiiskiisa kula hadlayay Warbaahinta.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]