Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 3 , 2021
Madaxweynaha Somaliland oo wareegto kusoo saaray waqtiga ay dhacayaan doorashooyinka barlamaanka iyo kuwa deegaanka
Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo arbaco ah meel mariyey cayimaadda maalinta ay dhacayso Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Go’aamiyey in doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Somaliland Maalin Isniin ah oo ku beegan 31ka Bisha May 2021.
Tallaabadan ayaa waxay soo gaabinaysaa muddo kordhin 2019 loo sameeyay Golaha wakiiladda oo waqtigoodu ku yahay bisha November ee sanadkan, waxayna ahayd markii lixaad oo muddo kordhin loo sameeyo.
Go’aanka madaxweyne Muuse Biixi ayaa daba socda kadib markii Golaha Guurtida Somaliland ay shalay cod aqlabiyad ah ku meel-mariyeen go’aankii ay guddiga doorashooyinka ku muddeeyeen in Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada qabsoonto 31-ka bisha May 2021.
Somaliland oo doorashooyinkoodu ku salaysan yihiin nidaamka dimuqraadiyadda ee xisbiyada badan, ayaa waxaa mar walba dib u dhaca waqtiyada doorashooyinka madaxtooyada iyo kuwa wakiiladda.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Gaadiid raashin sida oo si nabadgalyo ah ku gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool
2/3/2021 2:58 PM EST
Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL)- Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in ay gaarsiiyaan degmada Xudur gaadiid xamuul ah oo raashin sida kuwaa oo muddo dheer ku xayirnaa waddada xiriirisa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde oo ka wada tirsan gobolka Bakool
Wararkii ugu danbeeyay shirka DhuusaMareeb uga soconaya madaxda Federaalka iyo Dowlad gobolleedyada
2/3/2021 1:47 PM EST
Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in shirka halkaa uga socda madaxda dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada dalka looga wada hadlayo arinta ku saabsan khilaafka ka taaggan doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi.
Faysal Cali Waraabe “madaxweynaha isku maanu fiicnayn lakin lacagtii wuu bixiyay, guurtidana….”
2/3/2021 11:34 AM EST
Arbaco, Febraayo, 03, 2021 (HOL)- Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo galabta warbahinta kula hadlay magaalada Hargaysa aya hambalyeeyay go’aan kii ay shalay golaha guurtidu ku waafaqeen guddida doorashoyinka ee aha in ay doorashoyinka wakiilada iyo deeganku dhacaan 31 ka bish May ee sanadkan, sidokale Gud: Faysal ayaa madaxwayne Biixi ku bogaadiyay meelmarinta go’aamada guurtida iyo guddida doorashoyinka.
Natiijadii Imtixaanka fasalka 8aad ee Degaanka Soomaalida oo la shaaciyay
2/3/2021 10:43 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Wasiirka Xafiiska Waxbarashada ee Dawladda Degaanka Soomaalida Maxamed Faatax ayaa maanta oo Arbaca ah shaaciyay natiijadii imtixaanka fasalka 8aad ee degaanka oo la qaaday 16 Dec. ee sannadkii 2020.
Maamulka Hotel Afrik oo war-saxaafadeed kasoo saaray weerarkii lagu qaaday hotelkooda
2/3/2021 10:13 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Maamulka hotel Afrik iyo xarunta ganacsiga ee Allamagan ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarkii maalintii axadda ahayd lagu soo qaaday Hotel Afrik, waxayna alle uga baryeen inuu janadiisa firdowsa ka waraabiyo.
Madaxwayne Biixi oo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya xafiiskiisa ku qaabilay
2/3/2021 9:20 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan oo kulan ku yeeshay Madaxtooyada Somaliland ayaa ka wada hadlay sidi ay Qaramada Midoobay gacan uga gaysan lahayd doorashoyinka Somaliland iyo wada shaqaynta Hayadaha Qaramada Midoobay iyo Somaliland.
Puntland: Xildhibaanadii xilka laga xayuubiyay oo lagu bedelay kuwo cusub
2/3/2021 7:10 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa maanta la horkeenay siddeed xildhibaan oo cusub oo lagu bedelay xildhibaanadii xilka laga xayuubiyay bishii December ee sannadkii hore, kadib markii dacwad laga gudbiyay.
Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo kasoo horjeestay shirka Dhuusamareeb
2/3/2021 6:43 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka gaar ahaan Soomaaliland oo goordhaw Saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la isugu yimaado shirweyne Qaran oo looga hadlaayo xaaladdaha dalka iyo doorooshada.
Guddoomiyaha aqalka sare oo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu ka hor istaagay shirka Dhuusa-mareeb
2/3/2021 6:34 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) -Guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Soomaaliya ayaa sheegay in loo diiday in ay matalaad ku yeeshaan shirka wadatashiga ee magaalada Dhuusamareeb.
Somaliland oo ka hadashay mawqif keeda ku aadan go’aamadii ay IGAD kasoo saartay khilafka Soomaaliya iyo Kenya
2/3/2021 4:55 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Wasirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Md. Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo waraysi siiyay wargayska Geeska Africa ayaa sheegay in ay ahayd in Soomaaliya ay aqbasho qodobadii IGAD ee ku aadanaa khilaafka Kenya iyo Soomaaliya sida Kenya ba u aqbashay.
Shirka Madaxda Dowladda Fedaraalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo goordhaw Furmay
2/3/2021 4:01 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug shirka wadatashiga dowladda Fedaraalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Faahfaahino kasoo baxaya weerar lagu qaaday magaalada Jowhar
2/3/2021 3:49 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay weerar ku qadaeen dhaqdhaqaaqa Al-shabaab Saldhiga ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin dhinaca bari ee magaalada Jowhar.
Saraakiil ka tirsan FBI Mareykanka oo toogasho lagu dilay
2/3/2021 12:10 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Labo sarkaal oo ka tirsan FBI Mareykanka ayaa toogasho lagu dilay halka saddex kalana la dhaawacay Gobolka Florida, kaddib iska horimaad dhaxay subaxnimadii Talaadada.
Al-shabaab oo xalay weerarray Bar-Kontrol oo ay ciidamada dowladda ku lahaayeen degmada Balcad
2/3/2021 12:08 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay uu halkaa iska horimaad ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Shirka Dhuusa-Mareeb oo maanta furmaya iyo kulamo gooni gooni ah oo xalay dhacay
2/3/2021 12:05 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in maanta oo Arbaco ah lagu waddo in uu halkaa ka furmo shir madaxda dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada oo looga arinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka.
Somali News
House GOPs seek to remove Ilhan Omar for 'conduct' including antisemitism
-
Reuters
2/3/2021 4:23 PM EST
House Republican lawmakers are seeking this week to oust U.S. Representative Ilhan Omar, a Democrat from Minnesota, from her committee assignments as Democrats push for similar action against Republican Representative Marjorie Taylor Greene, Fox News reported on Tuesday.
How young Guri-El DC is transforming his town by banning khat among public officials
-
HOL
2/3/2021 11:53 AM EST
Guri-El, Somalia (HOL) - Khat chewing in Somalia remains one of the most addictive habits which cuts across virtually all sectors of the society including public offices. It has for the longest been blamed for poor performance among public officers given the addictive nature of the drug and cost implications.
FGS-FMS talks to kick off in Dhusamareb today
-
HOL
2/3/2021 3:04 AM EST
DHUSAMAREB (HOL) - Federal and state leaders converging in Dhusamareb are today starting the fifth round of talks to resolve the ongoing electoral stalemate that has seen parliamentary elections put off three times.
One soldier killed after Al-Shabaab ambush in Middle Shabelle
-
HOL
2/3/2021 1:13 AM EST
Mogadishu (HOL) - At least one soldier was killed in an overnight ambush by suspected Al-Shabaab militants on a government checkpoint in Balcad district in Middle Shabelle, just 36 km northeast of Somalia's capital Mogadishu.
An innovative and unique partnership: WHO, Sweden and Somalia work together to improve health outcomes for all Somalis
-
WHO
2/3/2021 12:28 AM EST
Nearly 30 years of conflict and instability have heavily marked Somalia’s recent history. Some gains are being made, but the country still faces many challenges ahead.
Somalia holds emergency talks over election crisis
-
Dw
2/3/2021 12:21 AM EST
Somalia has opened urgent talks with regional authorities to avoid a constitutional crisis. The Horn of Africa nation looks certain to miss a February 8 deadline to elect a new president.
Somalis Welcome Biden's Lifting of Travel Ban
-
VOA
2/3/2021 12:14 AM EST
Somali nationals in Kenya have welcomed President Joe Biden's lifting a travel ban to the US for some Africans, including Somalis, that was put in place over security concerns. Critics called it a "Muslim Ban" as most of the countries listed were Muslim-majority.
EU launches over $14M new projects in Somalia
-
AA
2/3/2021 12:06 AM EST
3 projects to give Somali businesses access to credit, improve regulations