4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 3 , 2021
Puntland: Xildhibaanadii xilka laga xayuubiyay oo lagu bedelay kuwo cusub
 

Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa maanta la horkeenay siddeed xildhibaan oo cusub oo lagu bedelay xildhibaanadii xilka laga xayuubiyay bishii December ee sannadkii hore, kadib markii dacwad laga gudbiyay.

Siddeeda xildhibaan ayaa waajibaadkooda isla maanta loo dhaariyay, waxaana kamid ah qof dumar ah, taasoo tirada haweenka ku jira barlamaanka Puntland ka dhigaysa labo xildhibaan.

Xildhibaanadan cusub ayaa xilkooda la wareegay xilli ay weli xildhibaanadii hore diidan yihiin go’aankii xasaanada looga qaaday oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah.

Bishii hore, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa warbixin uu soo saaray wuxuu ku sheegay in sifo aan sharci ahayn loo maray habkii xasaanada looga qaaday xildhibaanadaas.

Puntland waa markii ugu horaysay oo tiro xildhibaano intaas le'eg xilkooda laga xayuubiyo, waxaana dadka maamulka madaxweyne Deni dhaliilsan ku tilmaameen tallaabo maamulku ku doonayo in lagu cabsi galiyo xildhibaanada kasoo horjeeda siyaasada maamulka.

Horay, waxaa xilkiisii laga xayuubiyay guddoomiyihii barlamaanka, Cabdixakakiin Dhoobo-daareed oo ay is khilaafeen madaxweyne Deni.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online