4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2021
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Sharciga Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka Dawladda

Khamiis, Feberaayo,25 2021 (HOL)- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Sharciga Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda oo ay horgeysay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Yoolka guud ee Hindise Sharciyeedka Sharciga  Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka Dowladda waa in la helo, la xaqiijiyo lana siiyo shaqaalaha rayidka Dawladda daryeel hawlgab iyo liiltir sugan oo ku habboon shaqaala rayidka kaasoo ah mid la joogteyn karo.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax wuxuu sheegay meelmarinta sharcigan inay muhiimad u leedahay Shaqaalaha Rayidka Dawladda.

“Waa dhacdo taariikhi ah ansixinta hindisahan, waxaan boggaadin oo aan u mahadcelinayaa howlwadeennada waqtiga iyo juhdiga galiyay iyo Golaha Wasiirrada oo dhaqangeliyay.” ayuu ku daray Wasiir Duraan Faarax.

Iman Jama,Hiiraan Online
[email protected]