4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 24, 2021
Puntland oo dalbatay in xilka laga qaado taliyayaasha ciidamada milatariga, booliiska iyo NISA
 

Arbaco, Feberaayo, 24, 2021 (HOL) - Puntland ayaa si ay qeyb uga ahaato heshiiska hannaanka doorashada Soomaaliya, waxay dalbatay in xilka laga qaado taliyayaasha ciidamada milatariga, booliiska iyo nabad sugida, iyadoo ku eedeeysay in ay ka qeyb ka qaateen qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Puntland waxay sidoo kale dalbatay in madaxweyne Farmaajo uu soo saaro wareegto xadidaysa awoodiisa fulineed iyo kuwa sharci dajineed ee barlamaanka. Sidoo kale, in meesha laga saaro dhammaan go’aamadii madaxweynuhu saxiixay wixii ka dambeeyay siddeedii february.

Go’aanadan iyo kuwa kale, ayaa ku jiray warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland oo looga hadlayay mowqifka Puntland ee doorashooyinka, kaasoo ka jawaabayay baaqii dowladda federalka ee ahaa in Puntland ay timaado shirka Muqdisho.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO.





Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]