4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2021
Madaxda Hirshabeelle oo ka tacsiyeeysay geerida Ugaas Xassan

 

Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Cali Guudlaawe iyo ku-xigeenka Yuusuf Axmed Hagar ayaa labadaba ka tacsiyeeyay geeridii ku timid caawa alle ha u naxariistee Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Ugaaska ayeey ku sifeeyeen in uu ahaa Ugaas muddadii uu noolaa door weyn ku lahaa dowlad dhisida Soomaaliya iyo nabaddeynta bulshada, iyaga oo alle uga baryay in uu jannadii fardowso ka ka wareebiyo.

“Ugaaska waxaa uu ka mid ahaa Dhaqanka faca weyn Soomaaliyeed, wuxuu qeyb weyn ka soo qaatay nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska”

Geerida Ugaas Xassan ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madaxda ugu sareysa dalka, iyo guud ahaan hoggaamiyayaasha Soomaalida oo dhamaantood ku tilmaamay in uu ahaa shaqsi magac iyo maamuus ku dhax lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Fiidnimadii caawa ayuu xannuunka saf marka ah ee Covid 19 ugu geeriyooday Ugaaska magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]