4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2021
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo laga helay cudurka Covdi-19
 

Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL)- Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa laga helay cudurka Covid-19 xilli uu ku sugan yahay dalka Burundi, halkaas oo uu kaga qeyb gali lahaa shir uu ku matalayay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda oo la hadlay telefishinka qaranka ayaa sheegay in cudurka uu kasoo qaaday Soomaaliya lagana helay markii baaritaan lagu sameeyay oo dalkaas tagay.

Wuxuu sheegay in maalintii 8-aad uu ku jiro xaalad karantiil ah, balse xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, wuxuuna sheegay dad badan oo qurbaha ka yimid in ay  Muqdisho ugu geeriyoodeen cudurka Covid-19.

Wasiirku wuxuu sheegay in aan loo baahnayn iyadoo dalku marayo xaalad uu cudurku aad u faafayo in la abaabulo iskusoo baxyo qatar galin kara caafimaadka bulshada.

“Haddii loo arko in iskusoo baxu inuu keeni karo fiditaan badan oo cudurka Covdi-19 ah, dowladda waxaa saaran masuuliyad ay shacabkeeda ku badbaadinayso,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]