4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2021
Somaliland: ciidanka booliska oo ka hadlay dhacdadii saxafiyad Hoodo Gareys
 

Isniin, Febraayo, 22, 2021 (HOL)- Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland Faysal Xiis Cilmi, oo caawa warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in hadaladii ay saxafiyad Hoodo Gareys ka sheegtay ciidanka booliska, ay yihiin kuwo xaqiiqda ka fog, isla markaana ay dacwada ka gudbinayaan.

Faysal Xiis ayaa sheegay, in ayna wax u dhicin sida ay ku andacoonayso Hoodo Gareys, isagoona sheegay in Hoodo ay booliska ka been abuurtay.

“20 kii bisha waxaa jirtay dhacdo ka dhacday saldhiga booliska ee dagmada Maxamuud Haybe, oo dhexmartay gabadh la yidhaa Hoodo Garays iyo hooyadeed, taasi oo baraha bulshada si xaqiiqada ka fog loogu buun buuniyay ayaamahan aynu soo dhaafnay”. Ayuu yidhi afhayeenku.

Afhayeenka booliska ayaa sharaxay sida uu ku andacoonayo in ay wax u dhaceen.

“waxanu bulshada u iftiiminaynaa, xaqiiqada dhabta ah siday wax u dheceen iyo sidii loo dhameeyay. 20 kii bishii labaad abaaro 18:49 gabadh la yidhaahdo Hoodo Garays iyo hooyadeed Suleekha Cabdilaahi, gaadhi ZUZUKI ah oo ay wateen ayaa si xooga kusoo galay saldhiga booliska ee dagmada Maxamuud Haybe goor gabalku dhacay, kana joogsan wayay askarigii waardiyaha ka ahaa oo qori ku hayay, nasiib wanaag askarigii xabad kumuu ridin, markii ay istaagtay kadib, askarigii wuxu ku yidhi, dib uqaad gaadhiga oo baarkinka dhig iyadoo ka dhaga adaygtay in ay gaadhigii baarkinka dhigto, kadibna goobtii kaga dagtay baabuurkii, xagii saldhigana u dhaqaaqday, askarigii ayaa soo qabtay shalmada, kuna yidhi gaadhiga gal oo dib uqaad, kadibna askarigii ayay dhirbaaxo u dadajisay, askarigii ay dhirbaaxday, isagoon far saarin, ayaa waxa la hadashay gabadh askariyad ah oo waardiyaha kamid ahayd, gabadhii askariyada ahaydna wayla dagaalantay dhaawacna way gaadhsiisay, kadibna hooyadeed ayaa dagaalkii soo gashay, askarigii kalena waa la dhaawacay, intii ay dagaalka ku jireen ayay xagtimo soo gaadheen Hoodo Garays, sababtaas ayaana keentay in la xidho”. Ayuu hadaliisa sii raaciyay afhayeenku.

Afhayeenka ayaa sidookale sheegay in kadib markii la xidhay Hoodo Gareys iyo hooyadeed, ay odayaashoodii saldhiga yimaadeen, iyagoo siduu ku andacooday raali galin ka bixiyay khaladka lagula kacay booliska waa sida uu hadalka u dhigaye, isla markaana Hoodo iyo hooyadeed ay saxeexen, in anay mar danbe qalad kaaso kale samaynin.

“Xadhiga kadib waxaa ciidanka u yimid Hoodo Garays odayaasheedii, oo aaqil keedi kamidyahay, iyagoona raali galin ka bixiyay falkii qaladka aha ee ciidanka booliska lagula kacay, waxanay codsadeen in loosii daayo eedaysanayaasha, waxanay balan qaadeen in anay wax danbe oo qaladaada ku samayn doonin ciidanka booliska, taaso ku cad nootaayada sharciga ah ee aan halkan idinka tusayo, iyaga oo miyir kooda iyo maan koodaba qaba ayay Hoodo iyo hooyadeed, saxeexeen nootayada sharciga ah oo lagu siidayay.” Ayuu yidhi afhayeenku.

Afhayeenka ciidanka booliska ayaa Hoodo iyo hooyadeed ku eedeyay in ay ceebayn iyo sumcad dilis ku sameeyeen ciidanka booliska, isagoo intaa raaciyay in ay dacwad ka dhan ah Hoodo iyo hooyadeed ay maxkamada u gudbinayaan.

“Waxa nasiib daro ah, in ceebayn iyo sumcad dilis, ciidanka booliska loogaliyo baraha bulshada, iyadoo aan ciidanka booliska waxba laga waydiinin ilaa hada, oo xataa xafiiska cabashada ee ciidanka booliska umay iman ilaa imika, halkaas waxa kacad, in u jeedada laga leeyahay ay tahay in ciidanka booliska iyo bulshada colaad laysku galiyo, cidkastaaba dabada haka riixaysee, hadaba laga bilaabo maanta, cidna ka yeeli mayno aflagaado, ceebayn, kutumasho sharci iyo kaladilista booliska iyo bulshada ay dadka qaar caadaysteen,  shaqana ka dhigteen, waxanan isla tagi doona cadaalada iyo sharciga. Arintan Hoodo Garays iyo hooyadeedna garsoorka iyo cadaalada ayaanu horgayn doona, hadii Alle yidhahdo”. Ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay afhayeenka ciidanka boolisku.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]