4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2021
Fannaanadii weyneyd Faadumo Cali Nakruuma oo magaalada Muqdisho ku geeriyootay

 

Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Waxaa goor dhaw la xaqiijiyay geerida alle ha u naxariisteen Fannaanadii weyneyd Faadumo Cali Nakruumo oo cudurka Covid 19 ugu geeriyootay isbitaalka Martiine ee magaalada Muqdisho.

Nakruuma ayaa ka mid aheyd fannaaniinta Soomaaliyeed ee sida weyn loo jeclaa, iyadoo u badneyd qaadista heesaha wadaniga oo ay ku baraarujin jirtay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan wixii ka danbeeyay burburkii dowladda dhexe.

Cudurka saf marka ah ee  Coronavirus oo maalmihii ugu danbeeyayba siweyn ugu soo xoogeystay magaalada Muqdisho ayaa dilay dad bulshada dhaxdooda caan ka ahaa, waxaana socda dadaalo lagula tacaalayo sidii looga hortagi lahaa cudurka.

Nakruuma markii ay dhaceen dagaalada sokeeye 1991 kii waxay u qaxday qurbaha, waxayse Soomaaliya ku laabatay 2018 kii markaasoo wixii ka dambeeyay ay daganayd magaalada Muqdisho. 

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida fannaanada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]