4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 20, 2021
Faysal Cali Waraabe “Muqdisho waa magaaladiiniye Farmaajo iska xoreeya”

Sabti, Febraayo, 20, 2021 (HOL)- Guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa u duceeyay dadkii ku waxyeelobay mudaharadkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, sidookale wuxu dadka reer Muqdisho ugu baaqay in ay iska xoreeyaan madaxweyne Farmaajo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guddoomiye Faysal oo ka hadlayay xaflad uu xisbigiisu musharixiin kusoo dhawaynayay, ayaa dadka reer Muqdisho ku booriyay in ay magaaladooda ka xoreeyaan madaxwayne Farmaajo.

“Halkan waxan doonaya in aan ka tacsiyadeeyo, dadkii reer Muqdisho ee shalay lagu xasuuqay bananbaxa, intii dhimatay Alle ha u naxariisto, inta dhaawacana Alle ha u sahlo, iyagana waxanu leenahay idinkaa waxa iskugu wacan oo taladiinii cadaw gacanta u galiyay baan leeyahay, imikana waxan leenahay, waar tashada reer Muqdishow, meel kale oo uu Farmajo xukumaa ma jirtee, waa Muqdisho, waa magaaladiiniye iska xoreeya baanu leenahay, hayska tagaanu leenahay walalayaal”. Ayuu yidhi guddoomiye Faysal.

Sidookale guddomiyaha ayaa dadka reer Somaliland u sheegay in hadii ay isjeclaan waayaan uu Alle ku salidi doono, waxa Muqdisho ka dhacaya oo kale.

“khilaafka reer Banaadir baa keenay Farmaajo, inaguna hadii aynu khilaafka iska dayn wayno, oo aynu isjeclaan wayno, waxa iyo wax ka xun ayuu Alle inagu salidi, Ilahay baynu ka magan galnay in uu mardanbe cadaw gacanta inoo galiyo, wixi ina soo maray waynu xasuusanaa, xunyohow xunku dhalay dii waynu xasuusanaa, wadooyinkii la xidhay waynu xasuusanaa, diyaaradii laynala dhacay waynu xasuusanaa, yaynaan iloobin taariikhdeena walaalayaal”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyuhu.

Cabdilahi Cabdiraxman SH. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]