4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 20, 2021
Ganacsade Xaaji Daa'uud oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

 

Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) -Waxaa  caawa ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho alle ha u naxariistee  Xaaji Daa'uud Cilmi Cariif. Xaajiga ayaa u geeriyooday cudurka COVID-19.

Alle ha u naxariistee Xaaji Daa'uud ayaa ahaa milkiilihii Hotel Lafweyn iyo Hotelka Ambassador oo labaduba ka mid ah hoteellada ugu waaweyn magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale marxuumku wuxuu ahaa Sheekh Weyn oo caalim ah islamarkaana qeyb weyn ka qaatay fidinta diinta Islaamka iyo waliba dhismaha goobaha cibaadada sida maasaajida iyo madrasadaha lagu barto Diinta Islaamka.

Marka laga soo tago in uu ahaa Ganacsade Alle ha u naxariisteen Xaaji Daa'uud waxaa uu badnaa ka qeybgalka howlaha kheyriga. sida in uu gacanta ku hayay Ardey u badneyd daalibul-cilmi iyo hergalinta goobo laga raacdo waxbarashada Diinta.

marxmuumka ayaa ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sanadku markii ahaa 1942. waxaa uu ifka uga taggay labo Xaas iyo 80 ruux oo ka kooban wax uu dhalay iyo waxay sii dhaleen.

Alle ha u naxariistee Xaaji Daa'uud waxaa geeridiisa ka tacsiiyay dad badan oo garanayay ganacsadaha kuwaa oo alle uga baryay in uu Jannadii ka wareebiyo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]