4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2021
Madaxweynaha Puntland oo sababo amni darteed uga dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado
 

Talaado, Feberaayo, 02, 2021 (HOL) - Madaxwyenaha Puntland Siciid Deni iyo wafdi uu hoggaaminayay oo maanta duhurkii ka ambo baxay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa ka dagay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Deni ayaa safar dhulka ah ugasii gudbay magaalada Dhuusomareeb halkaas oo uga qeyb galayo shirka wada tashiga dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah.

Warar aan helnay waxay sheegaya in madaxweyne Deni sababo amni awgeed uu uga baaqsaday inuu ka dago garoonka diyaaradaha Dhuusomareeb halkaas oo xalay ay madaafiic ku garaaceen Alshabaab.

Madaxweyne Deni waxaa galbiyay ciidamo aad u badan oo kagasii horeeyay Cadaado iyo gaadiid dagaal oo suga amnigiisa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.

Ammaanka magaalada Dhuusmomareeb ayaa walwal laga muujiyay kadib madaafiicda lagu weeraray, inkastoo ciidanka amnigu sheegeen in la qaarajiyay kooxdii ka dambaysay lanasoo bandhigay maydadkoodii.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online