Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2021
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si kulul uga hadlay rasaas loo adeegsaday dad banaanbaxaayay
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Siyaasiga caanka ah ahna hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa goordhaw si kulul uga hadlay rasaas aay ku fureen ciidanka dowladda dad banaanbaxayaal ah aay hoggaaminayeen qaar ka mid ah midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay jn rasaas xoogaan oodda looga qaaday dadka shacabka ah iyo hoggaamiyaashooda xili aay ku banaanbaxayeen si nabad ah waxuuna tilmaamay in ciidamada xabadaha ku furay banaanbaxayasha aay ahaayeen kuwa si gaar ah uga amar qaata madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
"Maleeshiyaadka rasaasta oodda uga qaaday shacabka iyo qaar ka mid hoggaamiyaasha midowga Musharaxiinta ee sidda nabadda ah ku mudaaharaadayay waxay ahayeen kuwa ka amar qaata kaligii taliska waqtigiisa dhamaaday ee ina Farmaajo dambiga ayayna kusii badineysa, way dhawdahay maalintii marinkooda la marin lahaa reer muqdisho waxaan leeyahay waad aragteen dhiigya cabka, waxaa idiin dhiman inaad iska dhicisaan" ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Hadalka siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur aya imaanaya xili maanta magaalada Muqdisho rasaas lagu kala ceyriyay dad dibadbaxayaal ah oo aay hoggaaminayeen xubno ka tirsan midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
Jubbaland oo war ka soo saartay Iska horimaadyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
2/19/2021 2:48 PM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) -Maamulka Jubbaland ayaa war ka soo saaray Iska horimaadyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaddib markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda iyo taageerayaasha musharixiinta mucaaraadka.
Puntland oo wax laga xumaado ku tilmaamtay rabshadihii ka dhacay Muqdisho
2/19/2021 11:51 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay rabshadihi ka dhacay Muqdisho oo abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka.
Ra'iisal Wasaare Rooble'' Waa Nasiib darro in xiliggan la yiraahdo dalka dowlad kama jirto
2/19/2021 7:55 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay rabshadihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaramada Midoobay oo walaac xoogan ka muujisay xiisadaha ka taagan Muqdisho
2/19/2021 5:45 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacayay xalay iyo saakay oo jimco ah.
Madaafiic ku dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho
2/19/2021 4:04 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) -Waxaa la arkayay Uuro iyo qiic madow oo hawadda isku shareeray kaddib markii madaafiic lagu tuuray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Kheyre oo sheegay in ay ka badbaadeen isku day dil oo la doonayay in lagu khaariyo isaga iyo siyaasiyiin kale
2/19/2021 3:56 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in isaga iyo musharixiin kale oo dhowr ah ay ka badbaadeen sida uu hadalka u dhiggay isku day dil oo la doonayay in lagu khaarajiyo.
Rasaas lagu joojiyay dibadbax ay horkacayeen Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xassan Cali Kheyre iyo CC Shakuur
2/19/2021 2:52 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaal ay horkacayeen Ra'iisal Wasaarihii hore ee dalka Xassan Cali Kheyre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame xili ay ku dhawaayeen Isgoyska KM4.
Dibadbax kooban oo ka soconaya waddada gasha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
2/19/2021 2:08 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Kaddib markii ciidamada dowladda is hortaag ku sameeyeen dibadbax balaaran oo qorshuhu ahaa taageerayaasha mucaaradka in ay isugu soo baxaan taalada Daljirka Dahsoon, ayaa dhinaca kale waxaa uu dibadbax kooban xiliggan ka soconayaa waddada gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada dowladda oo xiray waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho
2/19/2021 12:07 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa xirray dhamaanba Isgoysyada iyo Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho iyadoo loo diiddayo isticmaalka dadka iyo gaadiidka.
DF iyo Midowga Musharixiinta oo siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkii xalay
2/19/2021 12:04 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war kooban ka soo saartay dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeysay dhinaca mucaaradka in ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Somali News
African Union chief concerned over clashes in Mogadishu
-
AA
2/19/2021 3:12 PM EST
MOGADISHU, Somalia -The African Union Commission chief Friday said he is "deeply concerned" at the deteriorating security and political situation in Somalia's capital Mogadishu, which he said puts at risk all the gains made in Somalia in the last decade.
Government forces disperse opposition protestors in Mogadishu
-
HOL
2/19/2021 2:37 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Security forces have dispersed opposition demonstrators in Mogadishu barely half an hour since the demonstrations kicked off.
1.3M people displaced in Somalia in 2020: UN
-
AA
2/19/2021 12:37 AM EST
Humanitarian agencies plan to help 3.1M vulnerable Somalis in 2021
‘Trailblazing’ Somali American lawyer makes partner at Minnesota law firm—and makes opportunities for everyone
-
Sahan Journal
2/19/2021 12:28 AM EST
Co-founder of the Somali American Bar Association. President of the Minnesota Association of Black Lawyers. Amran has used her professional success to create opportunities for other Somali attorneys—and the people they serve.
Photo project turns lens on youth in neighbourhoods racked by COVID-19 Social Sharing
-
CBC
2/19/2021 12:13 AM EST
A new project from the South-East Ottawa Community Health Centre is hoping to reframe people's view of COVID-19 in the nation's capital, and the lives the virus affects most.