4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2021
Madaxda dowladda oo ka tacsiyeeysay geeridii xalay ku timid Sheekh Nuur Baaruud Gurxan

 

Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Waxaa habeennimadii xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday alle ha u naxariisteen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliyeed muddo dheerna ka soo shaqeynayay dacwadda Islaamka.

Sheekh ayaa  ku geeriyooday Isbitaalka Martiino oo la dhiggo bukaannada uu soo rito cudurka Covid 19 laakiin dowladda kama aysan hadal sababta geerida marxuumka iyo in uu u dhintay cudurkan oo maalmihii ugu danbeeyay siweyn dalka ugu soo laba-kacleeyay.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Nuur, isaga oo tilmaamay doorka wanaagsan ee uu ka soo qaatay arrimaha dacwadda Islaamka, barbaarinta iyo baraarujinta shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu kabaxay.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, isaga oo Alle uga baryay in Janadii Fardowso uu ka Waraabiyo.

''Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Caalimkii weynaa ee Soomaaliyeed Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho'' ayuu yiri Ra'iisal Wasaaraha.

Sheikh Nuur Baaruud  ayuu ku tilmaamay in uu ka  mid ahaa culimada diinta Islaamka ee ugu magaca dheer Soomaaliya waxaana isaga oo cimirigiisa oo dhan u huray fidinta iyo barista dadka ee diinta, isagoo aan waligii ka gabban caddeynta xaqa xaalad kasta oo uu ku jiro.

Sheekha ayaa kaalin weyn oo mug leh ku lahaa dhismaha nabadda, dib-u heshiisiinta, xoojinta dowladnimada iyo bayaaminta afkaaraha qalloocan ee kooxaha xagjirka ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]