4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 16, 2021
Puntland: Shirkaddaha duulimaadyada oo cabasho u gudbiyay barlamaanka
 

Talaado, Feberaayo, 16, 2021 (HOL) - Shirkaddaha duulimaadyada ee ka howlgalla Puntland ayaa cabasho u gudbiyay barlamaanka, iyagoo ka cabanaya lacago dheeraad ah oo looga qaado garoomada diyaaradaha Puntland.

Guddi katirsan barlamaanka oo qaabilsan dhaqaalaha ayaa u yeeray wasaaraddaha laga cabanayo, sida wasaaradda maaliyadda iyo wasaaradda duulista hawada, iyagoo wax laga weydiiyay lacagaha laga qaado diyaaradaha iyo caqabadaha jira.

Dhegaysiga doodda u furantay labada dhinac ayaa socon doonta, waxaana Guddiga Barlamaanka uu qabtay kulan dambe oo todobaadka soo socda ah, si arrintaan go’aan looga qaato, xalna looga gaaro.

Sannadkii tagay markii laga baxay xayiraadii Coronavirus, shirkaddaha duulimaadyada ayaa kordhiyay qiimaha lagu raaco duulimaadyada Puntland, waxayna tani culays weyn ku noqotay shacabka oo ka cabanayay qidmadaha garoomada Puntland.

Barlamaanka Puntland ayaa horey wax uga qaban waayay dhowr cabasho oo ka taagnaa lacagaha garoomada Puntland shacabka looga qaado, inkastoo sanadkii 2018 ay yaro dhimeen lacago $20 ah oo laga qaadi jiray qof kaste oo ka duulaya Puntland.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online