4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 16, 2021
Jubbaland oo mar kale ka hadashay mowqifkeeda doorashada Soomaaliya

 

Talaado, Feberaayo, 16, 2021 (HOL) -Maamulka Jubaland ayaa  mar kaliya ku celiyay mowqifkooda ku aadan Doorashada Soomaaliya iyo shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya.

Jubbaland ayaa sheegtay in aan mar kale la aqbali karin dib u dhac ku yimaada doorashada, laakiin doorashada ayaa marar badan oo hore dib ugu dhacday sabab xiriira khilaafka gobolka Gedo oo ah kan ugu weyn oo ay isku hayaan dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta dowlad gobaleedka Jubaland Cabdi Xuseen Sheekh  Maxamed ayaa VOA u sheegay in uusan waxba iska badalin wali mowqifkoodiiJubbaland ee gobolka Gedo.

Laakiin Wasiika ayaa dhinaca kale  rajo badan ka muujiyay shirka Guddiyada uga socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay iyo guud ahaan heshiis laga gaaro doorashada ''''Annaga ka maamul ahaan waxaa u aragnaa in doorashada oo dib u dhacdaa ay dhibaato weyn keeni karto, mar walbana diyaar ayeeynu u nahay in la heshiiyo doorashadana sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto, waayo waad ogtihiin dowladda hadda jirta waqtigeedu waa dhamaaday, sidaa daraadeed in doorasho la qaban waayaa waa dhibaato.

Waxaa uu madaxweyne Farmaajo uu  ka biyo diiday soo jeedinta dowlad gobolleedyada ee ah in shirka lagu qabto magaalada Muqdisho, iyadoo sida uu hadalka u dhiggay aan la garaneyn sababta uu u diidayo.

''Waad ogtihiin Puntland waxaa ay soo jeedisay in shirka uu madaxweynuhu ku baaqay in uu ka dhaco Muqdisho, Farmaajo waa uu diiday ma garaneyno sababta uu  u diidayo in Muqdisho lagu qabto'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii sheegay in Jubbaland mar walba tanaasul diyaar u tahay, laakiin looga baahan yahay dhinaca dowladda in ay iyadu howlaha fuddudeyso si loo qabto doorasho heshiis lagu wada-yahay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]