4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2021
Maamulka gobolka Banaadir oo amar deg deg ah siiyay guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir
 

Isniin, Feberaayo, 15, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed oo xalay kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay soo laba kacleynta Cudurka dilaaga ah ee Coronavirus.

Cudurka COVID-19 ayaa si weyn uga soo laba kacleyay gudaha magaalada Muqdisho waxaana todobaadyadii ugu dambeyay la diiwaan galiyay kiis badan.

Kulanka guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo maamulka gobolka ayaa intuu socday waxaa diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa faafista Cudurka COVID-19 oo la sheegay inuu si xowli ahaa ugu soo laabtay Muqdisho.

Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku amray guddoomiyaasha degmooyinka iney si deg deg ah dib u bilaabaan olalaha wacyigalinta Cudurka dilaaga ah ee Coronavirus.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Basmo Caamir Axmed iyo agaasimaha waaxda Caafimaadka dowladda hoose Dr. Maxamed Caddow.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]