4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 14, 2021
Labo haween ah oo goor dhaw lagu toogtay magaalada Muqdisho

 

Axad, Feberaayo, 14, 2021 (HOL) - Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Labo ruux oo haween ahaa oo toogasho lagu dilay xili sida la sheegay ay raacayeen gaarin Bajaaj ah gudaha degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay weerar ku qaadeen afar haween ah oo wada socday kuwaa oo damacsanaa in ay raacaan Bajaaj geyn laheyd goob ay ka shaqeeyaan, iyaga oo halkaa ku dilay Labo haween ah labo kalana dhaawacay.

Dadka degmada ayaa qaarkood warbaahinta u sheegay in haweenka toogashada lagu dilay iyo kuwa dhaawacmayba howlo nadaafadeed ka qaban jireen xarunta Wasaarradda Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya laakiin wali warkan si rasmi ah looma xaqiijin.

Ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya  ayaa markii dambe gaaray goobta dilku ka dhacay, waxa ayna halkaasi ciidamada ka qaadeen meydadka haweenka la dilay iyo dhaawacyada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]