4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 14, 2021
Dowladda Soomaaliya oo xirtay waddo muhiim u aheyd isku socodka dadka iyo gaadiidka

 

Axad, Feberaayo, 14, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba jartay waddo muhiim u aheyd isku socodka dadka iyo gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho kaddib weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada.

Waxaa gabi ahaanba la jiray oo la dhiggay dhagaxyo waaweyn oo shub ah Isgoyska Dabka oo marin u ahaa gaadiidka dadweynaha ee ka yimaada dhinaca Suuqa weyn ee Bakaaraha una soo gudba dhinaca degmada Waabari.

Jarisga waddadan ayaa imaneysa iyadoo maalintii shalay gaari qarax siday uu xoog ku dhaafay Barkootarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin meel aan ka fogeyn isgoyska Dabka, kaas oo qarxay ku qarxay Isgoyska Sayidka, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada uu soo dhaafay.

Gaadiidkii iyo dadweynihii isticmaali jiray waddadaas ayaa mar kale ku soo toosay iyadoo saakay dhagaxyo waaweyn oo laga dajinayo gawaari lagu soo raray islamarkaana lagu goynayo dariiqa.

Isgoyskan oo ahaa mid mashquul badan ayaa hadda waxaa dhagaxdii lagu jaray dhibaato weyn ku qaba gaadiidka u leexanaya dhanka xaafadda Buulaxuubey ama degmada Wadajir, balse waxaa intii hore ka yaraatay saxmadii gaadiidka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]