4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2021
Jaamacadda Qabridahare oo ay ka qalin jabiyeen maanta 622 arday
 

Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) - Arday tiradoodu dhan tahay 622 arday ayaa maanta ka qalin jabiyay Jaamacadda Qabridahare, oo ku taal magaalada Qabridahare ee Degaanka Soomaalida.

Xafladda qalinjabinta ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda degaanka u saraysa oo u horeeyo Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar iyo mas'uuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay xafladda qalinjabintan Waalidiinta iyo Asxaabta ardayda qalinjabinaysa oo soo buux dhaafiyay goobta ay kasocotay xafladdu.

Haddaba ardayda maanta qalin jabinaysay oo tiradoodu dhamayd 622 arday, ayaa ahayd dufcaddii u horeysay ee ka qalinjabisa jaamacadda tan iyo markii la aasaasay.

Jaamacadda Qabridahare ayaa kamid ah  jaamacadaha dalka ugu sareeya, waana jaamacadda labaad ee ku taal degaanka Soomaalida.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]