4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2021
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo maanta kormeeray Kiliga Waraaboole


Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo guddoomiyaha guddiga Fatahaada Baledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa Maanta si wadajir ah u kormeeray howlo carabixin iyo balaarin ah oo lagu sameynayo Kiliga Waraaboole si looga hortago qatarta Fatahaada Baledweyne.

Goobta aay shaqada ka wadaan guddiga Fataahada oo ah Kiliga Waraaboole ayaa Baalayaasha waxay ka shaqeynayaan dhul dhirir kiisu yahay 4km, balaciisuna yahay 20 Mitir iyo 1.5 Mitir oo kaliga hoos loogu qodaayo sida aay Warbaahinta u sheegeen guddiga Fataahada Baledweyne.

Xaaji Cismaan Dhagaxoow oo ah guddoomiyaha guddiga Fatahaada ayaa sheegay iney meel wanaagsan u mareyso shaqada aay ka wadaan Kiliga Waraaboole oo ka mid ahaa meelaha ugu horeeyo ee wabiga Fatahaada ka sameeyo.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa si weyn u bogaadiyay howsha aay hayaan guddiga Fataahada Baledweyne iyo shaqada aay ka wadaan Kiliga Waraaboole oo uu sheegay inay tahay mid muhiim ah oo xiligeedii lagu soo beegay.

Dadaalada guddiga Fataahada Baledweyne aay kula tacalayaan ka hortaga in markale Fataahad ku dhufato xaafadaha Baledweyne ayaa imaaneysa xili labadii sano ee ugu dambeysay uu wabiga Shabeelle ku fatahayay xaafadaha magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]