4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2021
Guddiyo si hor dhac ah uga wada hadlaya shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo

 

Sabti, Feberaayo, 13, 2021 (HOL) - Iyadoo 15 ka bishan loo balansan yahay kulan uu ku baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhinaca kale maanta oo Sabti ah lagu waddaa in ay bilaawdaan wada hadallo hoosyaadyo u dhaxeyn doona guddiyo ka kala socda dowladda Dhexe ee Federaalka iyo dowlad gobolleedyada.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in magaalada Baydhabo ay isugu taggi doonaan guddiyo ka kala socda dowladda Dhexe iyo dowlad gobolleedyada kuwaa oo ka arrinsan doona qoddobada xasaasiga ah ee ku hor gudban heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa dhinacyada ku lugta leh arrimaha doorashada ku cadaadinaya in ay meel iska dhiggaan wax kasta oo keeni kara fashil danbe oo ku yimaada kulamada looga arrinsanayo qabsoomida doorashada, taa badalkeedana la dhameeyo wax kasta oo khilaaf ah.

Inkastoo madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay in shirkani uu ka dhacayo magaalada Garoowe ayaa haddana dhinaca kale waxaa xusid mudan in dowlad gobolleedyada qaarkood soo jeediyeen in shirkan lagu qabto magaalada Muqdisho, lamana oga halka iyo goobta uu shirkani ka furmi doono.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]