4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 12, 2021
Ilhan Omar oo xil sare loo magacaabay

 

Jimco, Feberaayo, 12, 2021 (HOL)  Ilhan Omar oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Kongareyska dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay xil sare, kaddib markii lagu dhawaaqay in ay noqoneyso guddoomiye ku xigeenka  guddi hoosaadka awoodda u leh arrimaha Afrika iyo arimaha xuquuqul insaanka caalamka.

War ka soo baxay xafiiska xildhibaan Ilhan ayaa lagu sheegay in xilkan cusub maalintii Khamiista ahayd looga dhawaaqay Washington. Magaca guddigan ayaa ah Guddi-hoosaadka Afrika, Caafimaadka Adduunka, Xuquuqda Aadanaha ah iyo Ururrada Caalamiga ah.

Waxaa ay sheegtay in ay si gaar ah u danaynayso "inay kormeerto arrimaha gargaarka caalamiga ah iyo siyaasadda dibadda" ee Afrika.

Xildhibaan Ilhaan ayaa tan iyo markii ay ku biirta Aqalka Kongareyska waxaa ay siweyn uga soo dhax muuqata dooddo siyaasadeed oo aad u cuslaa gaar ahaan waxaa ay bilihii ugu danbeeyay siweyn u naqdin jirtay siyaasada madaxweynihii ee Mareykanka Donald Trump

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]