4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2021
Kenya oo caddeysay sababta ay u dalbatay dib u dhiggista dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya

 

Khamiis, Feberaayo, 11, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay sheegashada dowladda Soomaaliya ee ah in sababta dowladda Kenya u dalbatay dib u dhiggista la xiriirto sharci ahaanshaha dowladda hadda jirta ee Soomaaliya.

Ilo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya, ayaa beeiniyay hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya iyaga oo sheegay in sababtu tahay cudurka Covid 19 oo sida ay hadalka u dhiggtay carqalad ku noqday u diyaargarowga Kenya kiiskan Maxkamada, taasoo keentay in mar kale ay dalbato in dib loo dhiggo

Kenya ayaa maxkamadda ICJ ka dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga furan ee kiiska la xiriira muranka xadka badweynta Hindiya ee ay isku heystaan Soomaaliya, taasoo qorshuhu uu ahaa in la billaabo bisha soo socota.

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Kenya uga gon leedahay arintan dhamaashiha muddo xileedka dowladda Soomaaliya oo ay dooneyso sida uu hadalka u dhiggay in ay uga faa'ideysato dib u dhiggista dacwadda.

Wuxuu sheegay in haddii mar kale uu dib u dhac ku yimaado dhageysiga dacwada 15ka Maarso taasoo la oran karo waa dhabar jab weyn oo ku dhacay cadaallada dunida.

Kenya ayaa marar badan oo hore sidan oo kale dalbatay in dib loo dhiggo dhageysiga kiiska taasoo ay aqbashay maxkamada, laakiin lama oga go'aanka ay mar kale ka qaadan doonto maxkamada ICJ dalabka uga yimid Kenya iyo diidmada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]