4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2021
Ciidamada dowladda oo howlgalo ka sameeyay gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Khamiis, Feberaayo, 11. 2021 (HOL) - Howlgalo lagula dagaalamayo Ururka Al-shabaab saacadihii ugu danbeeyay ciidamada dowladda waxaa ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gaar ahaan ciidamada ayaa howlgalkan ka sameeyay deegaanno hoostaga degmada Jowhar, iyadoo meelaha qaarna ay ka dhaceen iska horimaadyo dhaxmaray xoogagga Ururka Al-shabaab iyo ciidamada howlgalka ku jiray.

Al-shabaab ayaa fariisimo kala duwan ka sameystay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaannada hoostaga degmooyinka Jowhar iyo Balcad, taasoo keentay in uu go'marinka waddada isku xirtay Muqdisho iyo Jowhar.

General Axmed Maxamed Tareedisho oo howlgalkan horkacayay ayaa warbaahinta u sheegay in ay gacanta ku soo dhiggeen sida uu hadalka u dhiggay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ururka Al-shabaab oo la xiriira howlgalada ciidamada dowladda ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]